Daawo: DR.Cabdi Cali Gaas Oo ka digey In puntland Dagaal sokeeye Cagaha loogaliye.

Wednesday October 05, 2022 - 11:04:19
0 Comments
421
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane media
(GAROOWE):Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedyada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka digay dagaal sokeeye uu ka qarxa Puntland, haddii la isku dayo muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Maamulka Puntland ayaa ah kan kaliya ee aan wax muddo kororsi ah sameyn, ayada oo maamul goboleedyada kale ee dalka uu midkiiba hal sano ku daray muddada sharciyeed ee baarlamanka iyo madaxweyne goboleedka.

Balse Puntland ayaa waxay uga duwan tahay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay 5 sano, halka maamul goboleedyada kale iyo federaalka uu yahay 4 sano.

DR Abdiwali Gaas oo sidoo kale soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland hal mar ay mudda kororsi soo martay, markaasna uu ka dhacay dagaal sokeeye.

"Puntland ku darsasho mar bay soo martay, 2001-dii bay hayd, Cabdullaahi Yuusuf baa sameeyay, wixii ka dhacay waa la ogaa oo dagaal sokeeye ayey dhexda ka gashey" ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland.

Dr.Cabdiweli Gaas ayaa kamid noqday siyaasiyiinta sida weyn uga digaya in Puntland lagu dayo mudda kororsi, haddii taasi dhacdana ay horseedi doonto qalalaase siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan.

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in doorashooyinka golayaasha degaanka laga qaban karo qof iyo cod, haddii ay dowladda ka go’antahay in ay hirgeliso doorashooyinkaas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa 18-kii September sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland ay ku dhici doonto waqtigeedii 8-da January 2024, islamarkaana aanu waxba iska beddelin jadwalkaas.

Sikastaba xukuumada siciid Cabdulaahi Deni ayaa haatan ku howlan in Puntland laga qabto doorosho qof iyo cod ah, balse mucaaradka iyo shacabku waxa ay u arkaan taas marmarsiiye ay xukuumadu ku dooneyso mudo dheereysi.

Related Items


Leave a comment