Labada Madaxweyne Turkey iyo Soomaliya oo kulmay.

Thursday December 06, 2012 - 00:53:31
0 Comments
1065
Super Admin
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga kulan kula qaatay madaxweynaha dowladda Turkiga iyagoo ka wada hadlay xaaladaha labada dowladood. Kulankan maanta dhaxmaray labada madaxweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan dowlahada Soomaaliya iyo Turkiga waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa shir jaraa’id si wada jir ah u qabtay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga Cabdalle Guul oo ay dhinac taagan yihiin wasiirada difaaca labada dowladood.

Madaxweyne Xasan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulankooda ay uga wada hadleen xaaladaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga taas oo ay ka mid tahay iskaashiga iyo amaanka.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay u hayso shacabka Soomaaliya taas oo ay gacan weyn ka geysteen waqtiyadii ay jireen abaarta.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdala Guul ayaa dhankiisa tilmaamay in dowladda Turkiga ay wadeyso taageerada ay u hayso shacabka Soomaaliya.

Wasiirada difaaca dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa labada Madaxweyne hortooda ku kala horsaxiixday heshiis ku aadan iskaashiga dhinaca amaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan dalka Turkiga kadib markii dowladda Turkiga ay u fidisay casuumaad si ay uga wada hadlaan xaalahada labada wadan.

Xigasho; Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment