Baarlamanka Puntland oo ka doodey ansixinta Maxkamada Dastuuriga ee Puntland.

Saturday June 22, 2013 - 21:16:58
0 Comments
1175
Super Admin

Kulnakii maanta oo Sabti ah golaha wakiilada Puntland ayaa ka doodey ansixinta Maxkamada Dastuuriga ah ee ay yeelanayso Maamul Gobaleedka Puntland, iyadoona dooda baarlamanka ka dib Gudoonka baarlamanku uu sheegey in dib loo dhigey meel marinta sharciga dhismaha maxkamada dastuuriga ah.

Qodobka la xiriira ansixinta maxkamada dastuuriga ah ayaa waxa uu ka mid ahaa ajandayaasha ugu muhiimsan ee ku jira kalfadhiga 30 aad ee baarlamanka.

Dooda maxakamada Dastuuriga ah ayaa waxa golaha kala qeyb qaadanayey Sharciyaqaaan Xasan Yuusf Nuur ayaa uga jawaabay Baarlamaanka qaab dhismeedka Maxkamada iyo hanaanka sharci ee hadhow lagu dhaqi doono.

Gabagabadii mudanayaashu ayaa isku raacay in Howsha Maxkamada dastuuriga ah loo daayo inay ka soo tala bixiyaan Guddiga sharciyada ee Baarlamaanka Puntland ka dibna dib ay ugu soo celiyaan kalfadhiga baarlamanka,

Maxkamada Dastuuriga ayaa qeyb ka ah xalinta khilaafaadka Dastuurka, dhismaheeda ayaa imaanaya xili la filayo in deegaanada Puntland ay ka qabsoomaan doorashooyinka soo socda oo ay ugu soo horeeyaan kuwa goloyaasha deegaanka.

Baarlamanka Puntland oo hada ku gudo jira kalfadhigiisa 30 aad ayaa waxa ku horyaala 10 ajande oo ay qeyb ka yihiin qodobo ay ka mid yihiin meel marinta dhismaha maxkamada dastuuriga ah iyo ka doodida marxalada kala guurka ee Puntland.

Related Items


Leave a comment