Kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo ciyaarta xiisa leh Dhexmartay bareejana ku dhamaatay

Tuesday December 24, 2013 - 07:54:17
0 Comments
1787
Super Admin
Ciyaar aan soo jiidasho laheyd oo lagu ciyaaray Emirates Stadium ka dib kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa ku kala baxay barbaro goolal la’aan ah taasoo ka dhigtay in Liverpool ay hogaanka u heyso Premier League ka hor ciida gaalada.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid ku bilaabatay si caajis ah iyadoo ciyaarta ay ku dhisneyd xoog, waxaana dhacdooyinkii ugu badnaa ee qeybta hore ay ahaayeen taakalo adag oo ciyaartoyda ay isku galeen.

Fursadii ugu weyneyd ee qeybtii hore waxa ay aheyd kubad loo qaaday Lampard kaasoo xerada goolka ku jiray, laakiin darbadiisa waxa ay ku dhacday qeybta hoose ee birta kore iyadoo Chelsea ay ka faa’ideysan weysay kubadii ku celiska aheyd.

John Obi Mikel ayaa isna qeybtii hore ka badbaaday inuu casaan qaato isagoo qalad xun ku galay Mikel Arteta, laakiin garsoore Mike Dean ayaan wax talaabo ah qaadin, waxaaa xilli ku dhow ay Arsenal sidoo kale ku dacwootay rigoore markii Willian uu dhulka dhigay Walcott xerada ganaaxa dhexdeeda laakiin garsoore Mike Dean ayaa sidoo kale tilmaamay inaysan rigoore aheyn.

Waxaana qeybtii hore ay labada kooxood ku kala nasteen barbaro goolal la’aan ah iyadoo ciyaarta ay naf soo gashay 15kii daqiiqo ee ugu danbeysay.

Qeybta labad ee ciyaarta ayaa iyadana waxaa sidoo kale daboolay kubad xoog ku dhisan iyo taakalo aan loo meel dayin taasoo ay sii dheereyd isqabqabsi ciyaartoyda ah oo keenayay in la hakiyo ciyaarta.

Daqiiqadii 78aad ayaana waxaa Arsenal fursad halis aheyd uu ka qasaariyay Olivier Giroud kaasoo kubad loo soo qaadayay hareermariyay goolka.

Arsenal ayaana fursad kale oo weyn ay soo martay daqiiqadii 85aad markii Gibbs uu kubad ku taabasho ah u dhigay Giroud laakiin dadaalkii Giroud waxaa ka hor joogsaday Terry oo xariiqda goosha kubada si kore ugu bixiyay.

Vermaelen ayaa isna kubad madax aheyd uu goolka la beegtay waxaa xariiqda goolka ka bixiyay Azpilicueta.

Ciyaar fool xumo badneyd ka dib labada kooxood waxa ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah, iyadoo Wenger uu mar kale ku guuldareystay inuu guul ka gaaro Mourinho.

Arsenal ayaa soo gashay kaalinta labaad iyagoo leh 36 dhibcood waxaana ay farqiga goolasha uga hooseeyaan kooxda hogaanka la wareegtay isbuucaan ee Liverpool.

Chelsea ayaa iyada ku jirta kaalinta afaraad iyagoo leh 34 dhibcood islamarkaana hal dhibic ka danbeeya kooxda kaalinta seddexaad ee Manchester City.

Related Items


Leave a comment