Qaar Kamid Ah Isimada Khaatumo Oo Bilaabay Xal U Raadinta Xiisadda Ka Taagan Garoowe.

Tuesday November 21, 2023 - 13:00:28
0 Comments
176
ahmed raajaa
GAROOWE
Qaar kamid ah isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa magaalada Garoowe ka bilaabay xal u raadinta xiisadda ka taagan arrimaha doorashada puntland ee 2024.

Isimada SSC ayaa isniintii gaaray caasimadda Garoowe, iyagoona kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyada dowladda iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee iska soo horjeeda.

Labada dhinacba Isimada u sheegay in aysan wax dagaal ah wadin islamarkaana ay diyaar u yihiin wada hadal si loo xalliyo xiisadda ka jirta Garoowe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Mucaaridka ayaa sidoo kale weli ku sugan goobihii hore, ma jiraan ciidamo dib looga qaaday goobtii ay joogeen.

Isku soo duub magaalada Garoowe ayaa ilaa iyo shalay degganayd waloow shacabka qaarkood ay isaga baxeen xaafadaha maadama ay ciidamo ay ku xeeran yihiin.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment