Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan( Xamari) oo caawa Garoowe lagu dilay

Monday January 27, 2014 - 20:45:16
0 Comments
962
Super Admin
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUU

Waxaa Caawa Magaalada garoowe ee Caasimada Puntland dil loogu gaystay Nabadoon caan ahaa oo logu Magacaabi jiray Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan( Xamari), waxaan la sheegay in Nabadoonka ay Koox dhagar qabayaal ah oo hubaysan ay dishay.

Malayshitada Dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday sida Wararku sheegayaan, iyadoona Ciidamada amaanka oo goobta gaaray ay baaritaan wadaan.

Lama oga Sababta Rasmigaa ee ka dambaysa dilka Nabadoonka waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in rag gaaraya ila aiyo 4 ruux oo Bastoolado ku hubaysnaa inay dilka Fuliyeen.

Saraakiisha amniga wali wax wara kama soo bixin kadib Dilka Marxuun Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garawaan.

Related Items


Leave a comment