Xassan Dahir Away oo Muddo Dher ka dib Xabsiga Nabad sugida Laga Saaray

Wednesday January 29, 2014 - 22:48:57
0 Comments
1027
Super Admin
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab ayaa laga sii daayey galabta xabsi ciidanka nabad sugida dowlada Somalia ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo uu ku xirnaa muddo todoba bilood ah.

Warkan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey saraakiil ka tirsan ciidamada nabad sugida dowlada Somalia iyo waxgaradka beesha Habar gidir.

Lama hayo weli faahfaahin ku saabsan qaabka ay ku timid sii deynta Xasan Daahir, dowlada Somaliyana illaa hadda kama hadlin, hase ahaatee warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sii deyntiisa ay timid ka dib wadahadalo muddo dheer socday oo u dhexeeyey odayaashii beesha Habar Gidir ee ka keenay Cadaado iyo madaxda dowlada Somalia.

Shiikh Xasan Daahir ayaa waxaa la sheegay in la dejiyey guri ku yaala agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo la sheegay iney ku ilaalin doonaan ciidamo gaar ah oo ka tirsan dowlada.

Lama oga iney arintan ay ka dhigan tahay xabsi guri iyo in kale, mana cadda in Xasan Daahir cidii dooneysa ay soo booqan karto iyo inuu xor u yahay inuu banaanka uga bixi karo iyo in kale guriga la dejiyey.

Shiikh Xasan Daahir ayaa bishii Juun ee sanadkii hore doon uga soo baxsaday degmada Baraawe ka dib khilaaf soo kala dhex galay rag uu isagu ka mid ahaa iyo hogaanka sare ee Al-shabaab, waxaa uu ka degay xeebaha gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas ay ka soo kaxeeyeen Odayaal ka tirsan beeshiisa oo dowladu ay Xamar ka dirtay si ay Muqdisho u keenaan, waxaana markii ay taa ku guuleysteen dowladu ay xabsiga dhigtay Xasan Daahir oo illaa xiligan xirnaa, waxaana uu diiday inuu la hadlo saxaafada oo uu cadeeyo inuu ka baxay kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab.

Related Items


Leave a comment