Xubno ka soo goostay Somaliland ee Lascanood oo Garoowe lagu soo dhaweeyey

Monday February 03, 2014 - 22:12:27
0 Comments
994
Super Admin

Masuuliyiin isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa maanta ku soo dhaweeyay magaalada Garowe Caasimada Puntland xubno ka mid ahaa golaha xildhibaanada Degmada Laasacaanood ee maamulk Soomaaliland kuwaas oo u soo goostay dhanka Puntland.

Xubnahan soo goostay oo ahaa 2 xubnood ayaa waxay kala yihiin Muqtaar Mahad Cawad iyo Cabdilaahi Digaale Cali, waxayna ka mid ahayeen Xildhimaanada Deegaanka Laasacaanood .

Wasiirka Kaluumeysiga Puntland Eng C/nuur Biindhe oo ka mid ahaa xubnihii golaha wasiirada Puntland ka midka ahaa ee soo dhaweeyay xildhibaanadan ayaa kula hadlay Saxaafada goob ka baxsan magaalada oo lagu soo dhaweynayay xubnahan soo goostay.

Waxa u Sheegay wasiir biindhe in ay ku faraxsanyihiin soona dhaweynayaan labadan xildhibaan ee u soo goostay dhanka Puntland waxaana uu carabka ku dhuftay in ay muujineyso soo gosashadooda in la gaaray xiligii Laasacaanood dib ugu soo laaban laheyd gacanta Puntland.

Xildhibaanada u soo galay Puntland oo iyana dhankooda warbaahinta hadal siiyay ayaa iyana sheegay inay ku yimaadeen Puntland codka shacabka iyo doonitaankooda iyagoo ku faraxsan in ay dib ugu soo laabtaan Puntland.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay dhacdo dib u soo goosasho saraakiil ka mid ah Maamulkii laasacaanood ee Soomaaliland, waxayna dariiq u fureysaa balan qaadkii madaxweyne Gaas ee ku aadanaa in laasacaanood iyo guud ahaan deegaanada ka maqan Puntland dib ula midoobi doonaan gobolada kale ee gobolka.

Related Items


Leave a comment