Xildhiban Cali Khaliif oo weerar afka ku qaday Madaxwayne Xassan Shiekh

Tuesday February 11, 2014 - 10:10:26
0 Comments
1168
Super Admin

Waxaa idiinku soo gudbinaynaa waraysi dhowaan tvga universal uu la yeeshay Pro Cali Khaliif Galaydh raysal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, kaasi uu kusoo bandhigay arimo badan oo qarsoon.

Warysigaan oo ah mid xiiso badan ayaa wuxuu uga hadlay arimo badan oo quseeya guud ahaanba dalka Soomaaliya , waxa uu sidoo kale sheegay in madaxwayne kasta iska dhigayo Siyaad Barre, wuxuuna ka sheekyey wax badan oo uu soo joogay.

Sidoo kale waraysigaan oo ah mid xiiso badan ayaa wuxuu uga hadlay maamulka Khaatumo, maamulada ku xeeran iyo arimo la xidhiidha, damaciisa siyaasadeed, iyo sidoo kale arimaha dawlada madaxwayne Xasan Sheekh.

Waxa uu si aad ah u weeraray madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda, isaga oo sidoo kalena ra’iisul wasaaraha cusub ku sheegay mid dhegta wax loogu sheego.

“”Hadii Cirka danab ka yimid i dilo waxaan Safaarada Mareykanka u sheegay cidaan u heysto” ayuu yiri Galayr oo haysta dhalashada Mareykanka.

Wariye Xamdi Kadiye oo waraysigaan la yeelatay ayaa dhankeeda Pro Galaydh hordhigtay su’aalo dad badan ay la dhaceen., Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay inuusan runta marnba ka gabanayn oo xataa Xamarta laga baqayo hadii wax lagu yeelo uu horay usii gudbiyey cida soo weeraraysa.


Related Items


Leave a comment