Jabida Buundada Sunijiif oo dhibtada Darawalada mid ka daran ku haysa Xukumada iyo qaylo dhaan loo diray Bulshada

Sunday March 09, 2014 - 22:20:40
0 Comments
1436
Super Admin
Tan iyo markii la magacaabay guddiga aruurinta dhaqaalaha lagu dhisayo buundada Midigar oo ku taalada duleedka tuulada Sunijiif ayaa waxay diyaarsheen nidaam dadka looga qaadayo dhaqaalaha lagu dhisayo Buundada go’day.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa warbaahinta usoo bandhigay nidaamka ay gaadiidka Puntland ka shaqeeya ku bixinayaan lacag lagu soo qoray,lacagtaasi oo siyaabo kala duwan loogu qoray gaadiid.

Cabdirashiid waxa uu sheegay gaadiidka waa wayn sida nooca ay Soomaalida u taqaan Candho-maydka (Siddeed Booll) in lagu qoray boqol doolar oo hal mar laga qaadayo halka kan ugu yar gaadiidka ay dadku raacaan oo loo yaqaan Dhug-dhugleey waxa lagu qoray toban doolar oo kaliya.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay lacagtaasi in laga qaadayo goobaha kaantaroolada siiba inta u dhaxaysa Gaalkacyo,Bosaso iyo waliba dekadda Bosaso mudo bil ahna waa loo qorsheeyay.

Cabdirashdii oo hadlaya ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed ay wax isku qaban karaan iyagoo ka kaaftoobaya baryada gacmo shisheeye oo aan wax hufan laga helin waxa uu tilmaamay haddii la isku tashado oo qof kasta bixiyo hal doolar inay wax qabanayso oo lagu aayi doono mustaqbalka.

Buundada Sunijiif ayaa waxaa jabiyay roobabkii duufaanta iyo barafka watay ee ka da’ay Puntland dabayaaqada sanadkii hore.

Related Items


Leave a comment