Nin qarax ku diyaarinayey Guri kuyaal Nairobi oo asagu ku dhintay xili uu diyaarinayey

Sunday March 30, 2014 - 21:34:56
0 Comments
1088
Super Admin

Nin qarax ku diyaarinaayay dhisme ku yaala xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, ayaa waxaa la soo sheegayaa in galabta uu ku dhintay qaraxaasi.

Ninkaan oo aan weli shaacin dalka uu u dhashay, ayaa waxaa hadana la sheegay in uu ku dhintay walxaha qarxa, oo uu ku diyaarinaayay dhismaha ku yaala xaafadda Islii.

Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmada Kamakunji oo ku baxay dhacdadaasi, ayaa waxay taggeen dhismaha uu qaraxu ka dhacay, iyadoo la sheegay in ay ugu taggeen meydka ninka geeriyooday.

Barasa Wabomba oo ka mid ah Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Nairobi, ayaa Warbaahinta u sheegay in ninkaan loo fishay, ninkii qaraxa ku diyaarinayay dhismaha uu kula qarxay.

Barasa Wabomba, ayaa sidoo kale sheegay in ay baxsadeen ilaa 3 nin oo kale, kuwaa oo uu xusay in ay la jooggeen ninka qaraxa ku dhintay, isla-markaana aynaan raggaasi waxyeelo ka soo gaarin qaraxa.

Qaraxa ka dhacay Xaafadda Islii, ayaa noqonaayo mid dareen baqdin leh ku beera Soomaalida ku dhaqan Islii, oo iyagu ah Jaaliyada halkaasi ugu badan.

Qaraxaan, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli Jimcihii ay Jaaliyada Somaliyeed ee Islii la kulantay Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, kana wada hadleen, sidii loo xoojin lahaa ammaanka, loogana hortaggi lahaa argagaxisada.


Related Items


Leave a comment