Warbixin + Cod + Sawiro Kalfadhiga Barlamaka Puntland oo ay ka qaybgaleen Saddexda Golle ee Dolwada Puntland

Monday March 31, 2014 - 11:50:38
0 Comments
1209
Super Admin
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas waxa uu maanta furey kana qayb-galay Kalfadhi aan caadi ahayn oo Baarlamaanka dowladda Puntland ay uga doo’dayaan Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sanadkaan 2014.

Madaxwaynaha ayaa ugu horayn Baarlamaanka Puntland uga warbixiyey safaro madaxwaynaha dowladda Puntland uu Asbuucii la soo dhaafey ku marayey qaarkamid ah dagmooyinka hoos yimaada goboladda Nugaal,Kar’kaar iyo Bari ee Puntland.

Gaas waxa uu sheegey in magaaladda Bossaaso inta uu joogey in uu la kulmey Safiiro wadamadda Yurub qaarkood u qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Al-Cusmaani waxaana madaxwaynuhu sheegey in dhamaan shirarkaas caalami ay ku soo dhamaadeen guul ayna balan qaadeen masuuliyiinti uu la kulmey in ay Puntland ka saacidi’doonan kor u qaadista adeegyadda Puntland,dhismaha Kaabayaasha dhaqaale iyo kor uqaadista amniga guud ahaaneed.

Madaxwayne C/Wali waxa uu sheegey in loo baahan yahey in Baarlamaanku uu dib u milicsado halki ay maraysey dhaqaalaha Puntland iyo wixii ay ugu yimaadeen xafiiska madaxtooyadda oo uu sheegey in ay ugu yimaadeen dalka lacago dayn’ah iyo Akoomo faaruuq ah,isaga oo taas ka duulaya ayuu ka codsadey Baarlamaanka Puntland ay cod dhamaystiran ku ansixiyaan Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan.

Miisaaniyadda ay ka doodayaan Baarlamaanka dowladda Puntland ee ay soo gudbiyeen golaha Xukuumadda Puntland ayaa ah aduun lacageed oo dhan 3,408,688,waxaana Baarlamanka dowladda Puntland ay samayn doonaan dood fara baddan oo ku aadan Miisaaniyadda ay dowladdu usoo gudbisey.

Ugu danbayntii waxa kala fadhiga maanta ee ka furmey xarunta Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa waxa soo xaadirey 48 Mudane Baarlamaan taas oo ka dhigan in Kooramka ay ku filan yihiin,waxa sidoo kale furitaan kala-fadhiga aan Caadiga ahayn ee Baarlamaanka Puntland madaxwaynaha ku waheliyey qaarkamid ah golaha wasiiradda Puntland oo ay kamid yihiin Wasiiradda Maaliyadda,Arimaha Gudaha,iyo Amniga.

5

Related Items


Leave a comment