Madaxwaynaha Puntland oo la kulmay Gudiga Dimuqraydiyada iyo hay'ada InterPeace

Tuesday April 01, 2014 - 15:05:48
0 Comments
1367
Super Admin

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weliMax’ed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa Garowe ku qaabilay masuuliyiin katirsan UNISOM, waxayna si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha Dimuqraadiyaynta iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Dhanka Dawladda Puntland waxaa kulanka ka qayb galay,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaaji Cumar ‘’Camay’’,qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Sahra Siciid Nuur ayaa sheegtay in Puntland iyo shacabkeeduba ay u diyaarsan yihiin sidii looga dhabayn lahaahir-galinta Nidaamka Axsaabta Badan iyo Dimuqraadiyada si loo gaaro doorasho ku timaada nidaamka loo yaqaano “One Man , One Vote” oomacneheedu yahay Hal-qof , Hal-cod marka la gaaro sanadka 2018.

Saraakiisha UNISOM ayaa dhankooda ballan qaaday inay Puntland taageeromug weyn kasiin doonaan dardar gelinta barnaamijyada Dimuqradyaynta , isla markaana ay muhiim tahay in si dhakhso ah loo guda galo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaamasuuliyiinta UNISOM uga mahad celiyay taageerada wanaagsan ee aydoonayaan inay ku bixiyaan hirgalinta arrimaha dimuqraadiyada sishacabka Puntland ay cokooda ugu doortaan masuuliyiinta dalka hogaamin doonta marka la gaaro sanadka 2018-ka.

Madaxewynaha ayaa si cad u sheegay in Dawladdiisu ay ka dhabayn doontooo ay ay fulin doonto in Puntland si dhab ah looga hir geliyo arrimaha dimuqraadiyaynta iyo nidaamka axsaabta badan maadaama ay muhiim u tahay taabaqaadka nolosha aadanaha iyo horumarka bulshada.

1

23456789101112131416171819202123251522

Related Items


Leave a comment