Mucjisoyinka Quranka Kariimka

Thursday July 02, 2009 - 23:10:37
1 Comments
5098
Super Admin
Wadaad ka mid ah mufakiriinta Islaamka ayaa daahfuray tirooyinka isleeg ee Aayadaha Quraanka Kariimka ahi ka hadleen, taasoo caddaynaysa sida Quraanku u sugayo sinnaanta dadka iyo sugnaanta in Quraanku yahay hadalkii Eebbe korree oo nasahnaaye, waxaana uu Sheekhaasi soo taxay kalmado iska soo horjeeda oo tirooyinkoodu isku sarjaran yihiin, waxaana ka mid ah:



 -Tirooyinka Isleeg


 1-Erayga Dumar Quraanka wuxuu ku soo arooray 24 jeer, halka erayga Ragna uu soo arooray 24 jeer.
2-Erayga Adduun Quraanka wuxuu ku soo arooray 115 jeer, halka erayga Aakhirona uu soo arooray 115 jeer.
3-Erayga Malaa’ig Quraanka wuxuu ku soo arooray 88 jeer, halka erayga Shaydaana uu soo arooray 88 jeer.
4-Erayga Dad Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Nabina uu soo arooray 50 jeer.
5-Erayga Wanaajin Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Xumayna uu soo arooray 50 jeer.
6-Erayga Ibliis Quraanka wuxuu ku soo arooray 11 jeer,halka erayga ka magangalkiisuna uu soo arooray 11 jeer.
7-Erayga Muslimiin Quraanka wuxuu ku soo arooray 41 jeer, halka erayga Jihaadna uu soo arooray 41 jeer.
8-Erayga Sako Quraanka wuxuu ku soo arooray 88 jeer, halka erayga Barakana uu soo arooray 88 jeer.
9-Erayga Muxamed Quraanka wuxuu ku soo arooray 4 jeer, halka erayga Shareecona uu soo arooray 4 jeer.
10-Erayga Nolol Quraanka wuxuu ku soo arooray 145 jeer, halka erayga Dhimashana uu soo arooray 145 jeer.
11-Erayga Wanaagyaal Quraanka wuxuu ku soo arooray 167 jeer, halka erayga Xumaanyaalana uu soo arooray   167 jeer.
12-Erayga Fudayd Quraanka wuxuu ku soo arooray 36 jeer, halka erayga Adaygna uu soo arooray 12 jeer.       F.G. Xadiis ayaa jiray uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-


 Ka libaysan maayo adayg laba fudayd……..U fiirso walaalkayow inaannu Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye aannu waxaan xaq ahayn ka hadlin. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-Kamana hadlo hawadiisa (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye).Suuradda Annajmi Aayadda 3aad.


13-Erayga Hanuun Quraanka wuxuu ku soo arooray 79 jeer, halka erayga Naxariisna uu soo arooray 79 jeer.
14-Erayga Nabadgalyo Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Waxyaalo fiican uu soo arooray 50 jeer.
15-Erayga Dhib Quraanka wuxuu ku soo arooray 102 jeer,halka erayga Dhabaradaygna uu soo arooray 102 jeer.
16-Erayga Musiibo Quraanka wuxuu ku soo arooray 75 jeer, halka erayga Mahadnaqna uu soo arooray 75 jeer.
17-Erayga Nafci(Dheef) Quraanka wuxuu ku soo arooray 50 jeer, halka erayga Dhibna uu soo arooray 50 jeer.
18-Erayga Sadaqo Quraanka wuxuu ku soo arooray 73 jeer, halka erayga Qanaacana uu soo arooray 73 jeer.
19-Erayga Kuwa Lunsan Quraanka wuxuu ku soo arooray 17 jeer, halka erayga Kuwa Halaagsamayna uu soo arooray 17 jeer.
20-Erayga Dahab Quraanka wuxuu ku soo arooray 8 jeer, halka erayga Nolol Raaxeedna uu soo arooray 8 jeer.
21-Erayga Sixir Quraanka wuxuu ku soo arooray 60 jeer, halka erayga Fitnana uu soo arooray 60 jeer.
22-Erayga Caqli Quraanka wuxuu ku soo arooray 49 jeer, halka erayga Iftiinna uu soo arooray 49 jeer.
23-Erayga Doonis Quraanka wuxuu ku soo arooray 8 jeer, halka erayga Cabsina uu soo arooray 8 jeer.
24-Erayga Dulmi Quraanka wuxuu ku soo arooray 114 jeer, halka erayga Sabirna uu soo arooray 114 jeer.


Haddaba akhristow haddaan intaa ku dhaafno tirooyinkii isku sar jarnaa bal mucjisadanna u fiirso:-
1-
Erayga Salaaddu 5 jeer ayuu Quraanku xusay, Salaadaha waajibka ahina
waa 5 Salaadood.
2-
Erayga Bilo 12 jeer ayuu Quraanku xusay, Sanaddkuna waa 12 Billood.

3-
Erayga Maalin 365 jeer ayuu Quraanku xusay, sanadkiina waa 365 maalmood.
4-
Erayga Bad Quraanku wuxuu xusay 32 jeer, halka erayga Berrina uu Quraanku xusay 13 jeer.


 Haddaba haddii la xisaabiyo saamiga ay Badda iyo berrigu isku yihiin marka guud ahaan la soo qaato dhulka, waxay isku noqonayaan boqolkiiba sidatan:-
-Saamiga Badda marka loo eego Berriga dhulka = [(13+32)/32] x 100= 71.11111111111%
-Saamiga Berrigu marka loo eego Badda dhulka = [(13+32)/13] x 100= 28.88888888888%
                 Saamiga Berriga + Saamiga Badda = 100 %.

Tiradaasina waa tirada dhabta ah ee inta dhulkeenna biyo fadhiyaan iyo inta berriga ah, cilmiga cusubina uu xaqiijiyay.Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-
Waxaannu ka tusin Aayaadkayaga jihooyinka iyo naftooda ilaa ay uga caddaato inuu Quraanku xaq yahay, miyaanu ku fillayn Eebbe inuu wax kasta ogyahay Suuradda Ash-Shuuraa Aayadda 53aad.

 


Waxaa Soo diyaariyay

Sheikh Abdul Rashid Sheikh Ali Sufi
Doha / Qadar 
Abdulrashid_ali_sufi@live.com

Related Items

Comments


Leave a comment