Murugada Jacaylka! by. Sheikh Mohamed Idris, Xafidahullah

Saturday July 09, 2016 - 08:47:33
0 Comments
2176
Super Admin
Murugada Jacaylka!

Sheekhow gabar ayaan is jeclaanay, waan is guursanney, iyada waxaa u soo baxay dhoof hawshiisu u socotey, wey baxday, anigana wadankii Afrika ayaan ku haray, markey xagga tagtay ayey ila soo hadashay wexey tiri: (Aan isugu imaano wadanka........) oo yurub ah ee u soo tahriib! Waxaan iri waa yahay!

Sheekhaygow waan tahriibey intaanan wadankii ka bixin ayaa laysoo qabtay, 20 cisho ayaan xabsi ku jirey, oo ku rafaaday.. Ka dib ayaa la iga soo daayey! Maalinkii ku xigey ayaan haddana tahriibkii galay, xuduuddaa laygu qabtay 15 cisho ayaan haddana xirnaa, lacag baan iska bixiyey waan kasoo baxay xabsigii! Yeel kadeede hadda tahriib kale naf iyo niyad midna uma hayo.

Waxaase igu dhacay wax intaaba iiga daran oo ah, xaaskaygii oo aan sku dhacnay, sababtana anigaa qaladka lahaa oo gabar ayaan sawirkeeda facebooga waxaan ku qoray tacliiq (comment) aan leeyahay: waa qurux badantahay, waan ka helay!

Sheekhow kelmadaas kaftan iga ahayd ayaa la iga raacay, xaaskaygii wexey taagantahay illaa wa illaa isoo fur, hadii kale waan is fasakhayaa! Anigana waan jeclahay, laba goor ayaan xabsi u galay si aan ugu tago, maxaan sameeyaa Ila tali!

Saaxiibka warqaddaa soo qoray waxaan leeyahay:

Saaxiib waan ka xumahay murugada kaa haysa gabadhii aad jacaylka la wadaagtey oo kaa fogaatey, mugdina idin soo kala dhexgalay, in kastoo aanan ogayn adna ii sheegin iney jacaylka kula wadaagto iyo inuu dhankaaga keliya yahay, yeel kadeede mar hadii nikaax isu kiin qabtay waa gar inaad jeclaato iyana aad jacaylka mid la mid ah ka malayso.

Laba arrin ayaan filayaa saaxiib iney xiriirkiina sumaysay: midda 1aad waa kala fogaanta aad kala fogaateen, hadii jirku kala fogaadana marar badan qalbiyadaa kala fogaada, sidaa awgeed ayaanan marna kula talin wiilasha iney xaaskooda meel fog oo aaney gaari karin iyo qurbe isaga diraan, iyaguna Afrika kaga haraan, taasoo marar badan fashil iyo kala tag ku dhamaata.

Midda 2aad na waa falaad xumada aad samaysay ee aad gabar ajnebi kaa ah afka la laacdey taasina xaaskaaga ka masayrsiisay kana xanaajisey, xaqna wey u leedahay.. Waxaanse dareemayaa inaaney taasi sababta keliya ahayn ee ay furriinka ugu dhegtey, ee awal bay ul booca kuugu tukubeysey, markaad qaladkaa la timina fursad laysku kaa raacsiiyo ayey noqotay.

Si kastaba ha ahaatee, saaxiib calafku waa qoran yahay, meesha khayrku ku jirana Ilaahay baa og, innaga dadaal ayaa inna saaran, laakiin shey qalbiga innagaga dhegganaa hadaan weyno maaha inaan murug u dhimanno oo nolosha ka quusanno, waxaaba dhici karta dhib la innaga duwey inuu ahaa, wixii Ilaahay innoo dooro ayaana khayrku innoogu jiraa, qaladkana wax baa laga bartaa ee lalama joogsado, sidaa awgeed waxaan ku dhihi lahaa, gabadha isku day inaad qanciso haddaad celin weydo, ama ay ku cafin weydana, ha isku curyaamina ee u ducey, adna ducayso, mid walbana Ilaahay dhankiisa ha u irzaaqo, buufiska iyo tahriibkuna yuu kula tegin ee dhulka aad joogto iyo hareerahaaga isku day inaad nolol ka samaysato, hadey guur noqotana kuwa kula jooga oo aan kaa tegin oo ku illowsiiya tii hore ayaad arki doontaa inshallah, jacaylkuna mar walba wuxuu ku fiican yahay inuu laba lugood ku socdo, riziqana Ilaahay baa qoray ee wixii Ilaahay ku siiyo iimaanso, noloshana rajo iyo himilo qurux badan ku qaabil, waxaad arki doontaa wadooyin badan oo hortaada ka hillaacaya, Salaadda iyo Sabirkana Kaalmayso.

Wabillaahi Tawfiiq.

W/Q Sheikh Mohamed Idris- Xafidahullah

Related Items


Leave a comment