Prof Farah Dahir Sheikh Nuur oo geeriyooday

Thursday July 29, 2021 - 09:23:19
0 Comments
352
Nasteeh Bare
Prof.Farah Dahir Sheikh Nuur ayaa xaley ku geeriyooday Magaalada  Rochester ee Gobolka Minnesota..

Eebe Ha U naxariistee Faarax ayaa soo noqday bare Jaamacadeed ee USA, ku taala wuxuuna diyaarinayey dhawaan PHD mar labaad oo uu kusamaynayey Business admistration.


Sidoo kale Wuxuu ka mid ahaa Siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay in dalka Mareykanka oo isku sharaxa xilal kale duwan iyo Musharixiinta doorashadii u danbaysay ee Madaxeyne Deni lagu doortay Puntland ayuu ka mid ahaa

  Marxuum Faarax Dahir Sheikh Nuur Hada waxuu katirsanaa sida aan xogta ku helnay masjidka Daarul Quba ee Minneapolis, wuxuuna ahaa nin aad udiin jecel bulshada reer Minnesota qiime wayn ugu fadhiyey,

          "INNAA  LILLAAHI WAA INNAA ILEEHI RAAJICUU"

Related Items


Leave a comment