Amiirkii Dalka Kuwait Oo  Maanta ku Geeriyooday Dalkaasi (dhagayso)

Saturday December 16, 2023 - 14:14:49
0 Comments
68
ahmed raajaa
KUWAIT
Allaha u Naxariisto waxaa geeriyooday Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf al-Ahmad al-Jaber al-Sabah, isagoo da’diisu ay ahayd 86,sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda boqortooyada dalkaas oo laga sii daayay telefishinka dalka Kuwait.

Bayaankaasi ayaa lagu yiri "Annagoo tiiraanyeysan oo murugeysan, waxaan u baroor-diiqeyna geerida Sheikh Nawaf al-Ahmad Al-Sabah, Amiirka Dowladda Kuwait.

Sheikh Nawaf ayaa la dhaariyay bishii Sebtembar 2020 ka dib markii uu geeriyooday walaalkii, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah oo 91 jir ahaa.

Bishii hore, ayuu xanuunsaday Amiirka, waxaana la dhigay isbitaalka ka dib xaalad caafimaad oo deg deg ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalkaasi ee KUNA.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment