Tumay oo loo doortay Duqa cusub ee Magaalada Galkacyo

Saturday July 23, 2016 - 19:13:29
0 Comments
1670
Super Admin
Golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta doortay Duqa magaalada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa waxaana doorashadu ay ka dhacdayxarunta waxbarashada iyo Hormarinta GECPD Gaalkacyo.

Waxaa ka qayb galay Doorashada Madaxweynaha dowladda Puntland, Xubno ka tirsan golaha wasiiro, xildhibaano iyo marti kale.

Golaha ayaa Duqa magaalada Gaalkacyo u doortay Maxamuud Yaasiin Axmed oo xilka si KMG ah u hayey, waxay sidoo kale ku xigeenka Duqa u doorteen Farxaan Cabdi Gaafaa.

Doorashada Duqa ayaa u dhacday sida tan.

Wareegii Koowaad:
Cismaan Salaad Fagaase 2
Deeg Maxamuud Xaashi 8
Yaasiin Maxamed Jaamac 3
Maxamuud Yaasiin Axmed 17
1 Cod ayaa halaabay.

Wareegii Labaad Waxaa Isugu Soo Haray:
Maxamuud Yaasiin Axmed
Deeq Maxamuud Xaashi
Yaasiin Maxamed Jaamac

-Waxaana isaga haray Cismaan Salaad Fagaase

Natiijada Wareegii Labaad:-
Maxamuud Yaasiin Axmed 19
Deeg Maxamuud Xaashi 10
Yaasiin Maxamed Jaamac 2

Wareega Sadexaad,Waxaa u gudbay:
Maxamuud Yaasiin Axmed
Deeg Maxamuud Xaashi

Natiijada Wareega Sadexaad:-
Maxamuud Yaasiin Axmed 24
Deeg Maxamuud Xaashi 7

Intaa ka dib waxaa la guda galay Doorashada Gudoomiye ku xigeenka waxaana u sharaxnaa labo musharax waxayna kala heleen Farxaan Cabdi Gaafaa 21 cod, halka C/fitaax Xassan Xuseen uu helay codad gaaraya 10.

Source: Radiosyl

Related Items


Leave a comment