DHIMASHADA WIYILKA SUUDAAN

Wednesday March 21, 2018 - 01:11:45
0 Comments
2348
Wiyishu waa xayawaanka labaad ee ugu wayn naasleeyda biri ku nooshaa ( terrestrial mammals), marka laga yimaado maroodiga.


Waxa ay leedahay noocyo kala duwan lkn dhimanshada suudaan ayaa la macne ah inuu dabar go ay cunsur dhan oo wisha ka mida. Suudaan waxa uu ahaa labka kaliya ee ka nool nooc wisha ka mida oo loo yaqaan wiyisha cad( white rhino).


Noocaan wiyisha ka mida ayaa aad loo xasuuqay intii u dhexaysay sanadihii 1970- 1980 xiligaas oo foolka ( iliga) wiyisha noocaan ah dalabkiisu aad u kacay , loona dhoofin jiray wadamada china iyo yemen .


Tiro aan badnayn oo jooogtay wadan ka koongo ayaa aad loo laayay dabayaaqadii sagaashameeyadii xiligaas oo kongo dagaalo iyo qalalaaso ka jireen waxa ayna aakhirkii isugu biyo shubatay in 4 xabo oo qura ay ka soo haraan noocaam wiyisha ah ,waa labo lab ah iyo labo dhadig. si loo bad baadiyo cunsurkaan wiyisha ka mida waxaa afartii hadhay la isugu keenay wadanka kinya. 


Sanadkii 2014 ayuu bakhtiyay mid kamida labadii labka ahaa waxaana soo haray suudaan iyo labo dhadig oo mid asagu dhalay midna awoowe u yahay. isku day badan oo la sameeyay masuurto galin in suudaan reebo lab sii wadan taranka noocaan wiyisha ah ee dabar goa qarka u saaran.


Maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 20 march 2018 ayuu suudaan dhintay ,sababo lala xariiriyay xanuuno aysababtay da diisa oo waynayd (45 sano ) .

MA LAGA YAABAA IN LA BADBAADIYO NOOCAAN WIYISHA AH EE DABAR GOA QARKA U SAARAN

Culimada sayniska ayaa qaba in la bad baadin karo ayada oo la isticmaalayo hab loo yaqaan in viro fertilization ( ivf). Qaabkani waaa in ugxanta wiyisha dhadig lagu bacrimiyo banaanka jirkeed ayada oo la isticmaalayo manida ( sperm) labka dhintay oo la sii kaydiyay.


W/Q awil harraf geelle

Related Items


Leave a comment