Tirada Dhimashada Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Magaalada Muqdisho Oo Sii Kordheysa

Wednesday October 05, 2011 - 19:34:01
0 Comments
1960
Super Admin
Saraakiisha Caafimaadka Ayaa Ku Soo Waramaaya In ilaa 6-Ruux Ay ku geeriyoodeen Isbitaalada Madiina iyo banaadir saacadihii La soo Dhaafay,Taas oo sii Kordhisay Tirada Dhimashada ayna Gaartay 76-ka Ruux Qeeybaha Bulshada Kala Gedisan Ee Ku Nool Muqdisho ayaa Waxaa Ay Ka Xunyihiin Mashaqadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Dadka ku Nool Magaalada Muqdisho Gaar'ahaan kuwa Eheladooda Ay Kamid Yihiin Dadka Geeriyooday Ama dhaawaca Ah ayaa Waxaay Aad Uga hadleen In Lagama Maarmaan Aytahay In Bulshada Ay Gacmaha Isqabsadaan Meel Qurana Uga soo Wajeestaan arintaan Ookale in ay Dhacdo Mar kale.

Waxaa Arintaan Ka hadlay Culimo ku Sugan muqdisho oo uu Ka Mid Yahay Sh.Nuur Gurxan kuna Macneeyeen Sifadaan ayTahay mid Xun Loona Baahanyahay In Laska Gaashado Ayagoo Eedeyn Dusha Uga Tuuray Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo iga Sheegtay In ay ka Dambeeyaan Qaraxaas Mashaakilka Tirada Badan Geeystay.

Wararka Maanta Burtiletimes ka soo Gaaraya Caasimada Fowdada ah Ee Muqdisho ayaa Kuwaramaya In Ku Dhawaad Ay ku Naf waayeen In Ka Badan 70-Ruux Halka Dhaawacana uu Ka Badanyahay 150-ruux oo Qaarkood Dhaawac Halis Ah Sida Ay sheegayaan Dhaqaatiirta Muqdisho Kusugan, Waxaana Mashquul Badan Laga Dareemayaa Isbitaalada Ku Yaala Muqdisho iyadoo ay Dheertahay Cabsida Dadweynaha Soo Foodsaartay oo ku Aadan In Ay dhacaan Kuwa kale oo Caynkaan ah.

Burtinletimes@hotmail.com.


Related Items


Leave a comment