Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wednesday January 20, 2021 - 14:19:31
0 Comments
351
Nasteeh Bare
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday Gobolka Jubadda Hoose lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in labo weerar oo dhanka cirka ah oo ka dhacay degmada Jamaame iyo Dab Shiniile ay fuliyeen Taliska Mareykanka ee AFRICOM.

Duqeyntan oo dhacday 19 bishan January ayaa waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale xubnaha weerarka lagu dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen Saraakiil Al-Shabaab u qaabilsanaa fududeynta miinooyinka iyo qorista maleeshiyaadka.

Lama sheegin magacyada xubnaha la dilay, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Jubadda Hoose lagu dilay nin Nabadoon ahaa oo ahaa Suldaankii Beesha Habar Gidir oo horay al-Shabaab u caleema saartay.

Related Items


Leave a comment