Midowga Afrika Oo War Ka Soo Saaray Xiisadda Soomaaliya Iyo Kenya

Tuesday January 26, 2021 - 22:37:01
0 Comments
571
Nasteeh Bare
War uu soo saaray Guddoonka Midowga Afrika, Mr Mousa Faki, ayaa waxaa uu kaga hadlay xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Beled Xaawo oo ay soo weerareen ciidamo la sheegay in ay soo abaabushey Kenya,isagoo baaq u soo jeediyay labada dal Soomaaliya iyo Kenya.


Mr Faki ayaa tilmaamay inuu ula socdo xiisadda ka taagan xuduudda Somaliya iyo Kenya, isagoo labada dal ee deriska ah ku booriyay inay is xakameeyaan,kadib war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Arrintan ayaa imaanaysaa iyadoo dagaal khasaare dhaliyay uu ka dhacay shalay Beledxaawo,kaasi oo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay in ay ka dambeeyaan maleeshiyada ay soo buhaysan Kenya.

 

Sidoo kale wuxuu Faki soo jeediyay in arrinta lagu xaliyo geedi socd ay horsed ka tahay IGAG,isagoo intaasi ku daray in nabadda xadka labada dal ay muhiim u tahay xasiloonida gobolka.

Sikastaba warka ka soo yeerey midowga Afrika ayaa meesha ka saaraya warqad ay shalay Kenya sheegtay in ay u dirtay AU,iyadoo isku ekeysiinaysaa sidii in aysan wax lug ah ku lahayn arrintani.

Dagaalkii ka dhacay Beledxaawo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay soo abaabushey Kenya,taasi oo sii kordhisay xiisadda labada dal

Related Items


Leave a comment