Dowlada Soomaaliya oo eedeyn dusha uga tuurtay markale go'aanka Guddiga Dhexdhexaadinta IGAD

Friday January 29, 2021 - 11:52:53
0 Comments
384
Nasteeh Bare
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale eedeyn dusha uga tuurtay guddiga dhexdhexaadinta IGAD iyadoo ku tilmaantay in guddigaas uu yahay mid aan dhexdhexaad ahayn,

War Qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday Urur Goboleedka IGAD in la baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo hore loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

"Guddiga intii ay ku guda jireen Howlahooda shaqo dhowr jeer lagu qaaday diyaaradaha Ciidanka Kenya, waxaana ay taas tahay mid galaan gal hoose uu u dhexeya guddiga iyo Kenya,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada Kenya.

Qoraalka ayaa sidoo kalelagu soo qaaday in guddiga ay dhowr jeer booqdeen gudaha dalka Kenya ayna diideen inay booqdaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Related Items


Leave a comment