Guddoomiyaha Aqalka Sare cabdi xaashi oo hoygiisa ku booqday shariif sheikh axmed

Tuesday February 02, 2021 - 23:27:48
0 Comments
404
Nasteeh Bare
Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Cabdi Xaashi guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wadahadlay xaalada siyaasadeed ee uu marayo dalka iyo weliba arrimaha doorashooyinka oo aan weli heshiis laga gaarin.

Sidoo kale kulankan ayaa si gaar ah loogaga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka xildhibaannada labada aqal ee wakiilada ka ah gobolada Waqooyi.

Qodobka la xiriira sida guddiga doorashooyinka xildhibaanada gobolada Waqooyi ayaa ka mid ah khilaafka ugu weyn ee ka jira doorashada dalka.

Related Items


Leave a comment