Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Oo Ka Hadlay Shirkii Hordhaca ahaa Ee Maanta

Monday March 22, 2021 - 20:18:08
0 Comments
359
Meeraysane.com



Wasiirka Wasaaradda Warfaafin, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id ayaa muqdisho ka warbixiyey kulankii furitaanka u ahaa Shirka Qaran ee dhammeystirka arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda oo saaka ka furmay xarunta Afisiyooni.

Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in dhamman xubnihii lagu casuumay shirka ay ka soo qeyb galeen marka laga reebo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, islamarkaasna diyaarna ay u ahaayeen dhameystirka heshiisyaddii 17-kii Sabteembar iyo 16-kii Febraayo ee guddigii Farsamadu ay soo diyaariyeen.
 
Wasiirka Warfaafinta mudane Dubbe, ayaa tilmaamay in maanta shirku uu ahaa horudhac iyo bar-bilaw wanaagsan, ” waxaa looga hadlayey in marka hore la is qalbi xaaro oo la wadda hadlo si loogu daadago ujeedada shirka iyo ajendayaasha Kale” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.

"Shirku waa uu sii soconaya, waxana rajeynaynaa in Madaxda ka maqan shirka ee aan saaka imaanin inay ka soo qeyb gali doonaan berri, si shirku u sii socdo dalkuna doorasho u aado” ayuu warbaahinta u sheegay Cusmaan Abuukar Dubbe wasiirka warfaafinta ee XFS sida aan Ka xiganay warbaahinta Qaranka.

Related Items


Leave a comment