Puntland Oo Ogolaatay In Maxaabiis Burcada Badeed Ah Ay Ku Wareejiso Dowlada Federalka

Sunday April 04, 2021 - 15:56:04
0 Comments
451
Meeraysane.com

Puntland ayaa so good ah u ogolaatay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso Rag ku xukman Burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe.

23 November 2020 xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo yimid Garoowe ayaa ka dalbaday  Puntland in loo sii daayo maxabiista Xukman oo ka soo jeeda Galmudug, balse Puntland codsigaas waay Ka gaabsatay, inkastoo ay ogolaatay in Muqdisho loo wareejiyo, haddii dowladda Federaalku aqbasho.

Puntland waxay xiligaasi Tilmaantay in aysan awood u lahayn sii daynta Raggan ku xukman burcada badeed oo lagu wareejiyay, kadib heshiis dhexmaray 21 April 2011-kii Puntland iyo jasiiradda Seychelles, kaas oo dhigayay in maxaabiistu ay xukunkooda ku dhammaystaan xabsiyada Puntland

Bishan April 2--dii 2021, mar kale waxa Garoowe yimid xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, kuwaas oo mas’uuliyiinta Puntland u sheegay in dowladda Federaalku aqbashay, in ay la wareegto maxaabiistan, waxaana Puntland sidaas ku ogolaatay in Xukmanayaasha loo wareejiyo Muqdisho. 

Related Items


Leave a comment