Culimada Puntland Oo Ka Horyimid Xeerka Gudniinka Gabdhaha

Thursday June 17, 2021 - 13:06:16
0 Comments
353
Garoowe

Xeerka gudniinka gabdhaha Ayaa waxaa ka hor yimid qaar ka mid ah culimada Puntland, xeer kaas oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Puntland, hadana horyaalla baarlamaanka.

Culimada ayaa Tilmaamay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor imanaya sharciga Islaamka iyo qodobka 9-aad ee dastuurka Puntland.

Ehludiinka ayaa baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meelmarin hindise sharciyeedkan oo ay ku tilmaameen mashruuc dana gaara laga leeyahay.

Arinta Ku saabsan xeerkan ayaa Waxaa Soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Diinta kaas oo mamnuucaya gudniinka gabdhaha Ku dhaqan puntland.

Waxyaabaha Ku saabsan Xeerkan Ayaa Waxaa Ku kala qaybsan culimada diinta, iyagoo qayb raacsan tahay wasaaradda halka qaarna kasoo horjedaan.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment