Mareeyaha Wakaalada Biyaha Puntland Oo La Kulmay Hay,ada Rilef Islamic

Tuesday July 13, 2021 - 14:07:21
0 Comments
302
Garoowe


Maareeyaha Guud ee Wakaallada Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Hay’adda Islamic Relief ee Soomaaliya ugu saraysa.

Madaxda labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirka wada-shaqayneed iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarinta khayraadka biyaha Puntland.

Inta badan degaanada puntland marka laga reebo magaalooyin waxaa ka jira biyo La,aan saamaysay dad iyo duunyaba kuwaasi oo markii horaba is ticmaali jiray barkado iyo xurfado yar yar oo biyaha roobka ay galaan.

Lakiin iminka waxaa isbedelay Cimilada taas oo sababtay inuu yaraado Roobabkii di,i jiray arintaasi ayaa keentay in dadkii Xoola dhaqatada ahaa ay Cayrobaan islamarkaasna ay soo galaan magaalooyinka sababo biyo La,aneeyd awgood.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment