Madaxda Qaranka Soomaaliyeed Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir)

Sunday February 13, 2022 - 15:22:21
0 Comments
384
MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Maareeye Ku-xigeenkii Tiyaatarka Qaranka Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.


Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) uu ahaa abwaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna, isaga oo ka mid ahaa Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.


"Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariim Faarax Jiir waxuu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna ka soo shaqeeyey Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Tiyaatarka Qaranka oo uu hadda ka ahaa Maareeye Ku-xigeen”


Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistii Mulaxinkii weynaa Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir oo maanta geeriyooday, wuxuuna si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii uu ka baxay, bahda fanka iyo suugaanta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.


Cabdikariin Jiir waxa uu ka mid ahaa tiirarka fanka Soomaaliyeed, isagoo ahaa hal abuur leh hibo naadir ah, gaar ahaan dhanka laxan sameynta oo uu caan ku ahaa.


Madaxda Qaranka ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment