Aasaaskii Puntland 11 sano ka dib

Wednesday July 22, 2009 - 09:19:40
2 Comments
5168
Super Admin
Aasaaskii Puntland 11 sano ka dib. Dawladda Puntland waa qeybta ugu xasiloon somalia waa meesha martigalisay in ka badan 30% dad ka soo barakacay koonfurta somalia kuwasi oo ka soo cararay Colaada holceysa

Puntland waxay ku fadhidaa dhul masaafo ahaan gaaraya 212.510 KM2 iyadoo tiro ahaan dadka ku nool puntland lagu qiyaasay inay gaarayaan 3.9 million taasi oo 52% yihiin reer guuraa degan dhulalka miyiga ah ee Gobolada Bahwadaagta Puntland 70% dad ku nool waxay da'doodu ka yartahay 30 sano magaalooyinka waaweyn gaar ahaan Bosaso,Qardho,Garowe,Galkacyo iyo Laascaanood iyadoo ay u dheertay dadka ay Puntland martigelisay.
 
Xog ururin ay samaysay Shabakadda Ceegaag Online ayay ku ogaatay in qofkasta oo Puntland ku nool bishii soo gasho dakhli gaaraya 150-130 Dollar dhaqaalaha Puntland waxaa uu ka koobanyahay afar qeybood oo waaweyn sida:-

  1. Xoolaha
  2. Kheyraadka Badda
  3. Beeraha
  4. (Faleenka iyo Maydiga) iyo lacagta ay soo xawilaan Qurba joogtu.
     
    Dhoofinta xoolaha ayaa soo geliya 80% Lacagta adag.60% dadka reer Puntland waxay ka shaqeeyaan xoolaha.Puntland waa dhul qalalan heer kulalkeeduna waxaa uu gaaraya inta u dhaxaysa 27C-37C dhulka inta badan waxaa laga helaa qiyaas roobaad dhan 17MM/Year tusaal ahaan Magaaladda Bosaso waxay heshaa qiyaas dhan 17MM xiliyada roobka waa April,June,Septemper -October waayahan ugu dambeeyay ayaan xog ururintayadda ku ogaanay inay abaaro isdaba joog ah soo food saareen kuwaaso xaalufiyay deegaanka iyo xoolaha waxaana ka mid ahaa abaartii dhacday sanadihi la soo dhaafay ee 2001-2004.
    Marka aan fiirino Biyaha roobka ee dulcarara Puntland ma jirto faa'iido iyo kaalmeysi ay sameeyaan dadku maadaama aanay jiri Biyo xireeno ama dams kuwaasi oo ay kaliftay Beeraha oo yar awgood PUntland waxay leedahay xeeb dhererkeedu gaarayso 1640 KM oo ay ku jiraan kheyraad farabadan sida,Aargoosato,Kaluun iyo kheyraad kale.
     
    Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goboladan, ayaa waxaa la go'aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso maamul dowlad goboleed. Islamarkaas waxaas ku soo biiray Gobolada Sanaag iyo Sool oo kula bahoobay Maamulaka cusub Goboladii laysku
    oran
    jiray Waqooyi Bari.
     
    Shirkaas waxaa ka soo baxay bartamihii 1998, Dowlad Goboleedka Puntland, taasoo leh sadexda awoodood oo kala ah, Golaha Wakiilada oo dhan 66 Xilibaan oo lab iyo dhedigba leh, Garsoorka , iyo Golaha Xukuumada oo leh Madaxwayne iyo madaxwayne ku-xigeen.
    Sida uu qeexayo Xeerka 1aad,. ee axdiga ku meel-gaarka ah ee lagu dhisay Puntland.
    Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku dhisan, waxayna wadahadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo aaminsan raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad soomaaliyeed oo ku dhisan habka federaaliga ah.
    Puntland waxay ka kooban tahay todobo Gobol oo kala ah.
     

Ø      Bari

Ø      Karkaar

Ø      Nugal

Ø      Mudug

Ø      Sool

Ø      Ayn

Ø      Sanaag


Dowlad Goboleedka Puntland waxay leedahay sadex waaxood oo dowli ah.
 

Ø      Golaha Xukuumada

Ø      Golaha Wakiilada

Ø      Golaha Garsoorka
 

Siyaasadda Puntland:-
 
Puntland waa meel ay isha ku hayso beesha caalamku maadaama ay ka midtahay Goobaha ugu nabdoon somalia isla markaana ay ka dhisantahay dawlad shaqaynaysa waxaana Puntland ay iminka u muuqata inay door ka qaadan karto xalinta Koonfurta somalia iyadoo Puntland ay dhisnayd mudadi hore hab Qabiili ah oo beelaha ku bahoobay Puntland ay iyagu awooda qebysan jireen(Clan Power sharing) waxaase dastuurki ugu dambeeyay ee Puntland dhawaantan loo dejiyay xooga la saaray sidii Puntland ugu gudbi lahayd Nidaamka asxaabta Badan tasi oo ka mida horumaradda ay Puntland ku talaabsanayso Dawladda cusub ee lix bilood jirsatay ee ay Hogaamiyaan Dr:C/raxmaan Faroole iyo Md:C/samad cali shire waxaa looga fadhiyaa inay dardar geliyaan siyaasadooda Gudaha oo aad moodid inay meelo badan qabyo ka tahay sida Puntland doorka ay ka ciyaari karto dagaal diimeedyadda ka soo cusboonaaday somalia.
 
Siyaasadda Puntland ee Gudaha:-
 
Siyaasadda gudaha ee Puntland waa mid ku qotonta sidii Puntland door muuqda uga qaadan lahayd xoojinta Midnimadda Beelaha bahwadaagta ee ku bahoobay Puntland iyadoo Dawladda Puntland ay firfircoonida siyaasadda Gudaha ku wajahaysa Qaab Degan oo ka hufan kii hore waxaana Dawladda haatan jirta ay waajib ku tahay oofinta Balanqaadyadi ay horay u balanqaaday waxaana jira wax loogu yeero Isbedelka Siyaasadda Gudaha waxaana siyaasadasi dareemi kara dadka loo igmaday inay noqdaan hagayaasha Puntland siyaasad ahaan Puntland waxaad mooda in magaceedi uu gaaray badi caalamka markii dawladaha America iyo England ay casumaad u fidiyeen madaxweynaha Puntland iyadoo siyaasadda dibadu tahay mid ceynkaasi ah ayaa hadana doorarka Arrinta Koonfurta iyo xalinta siyasadda Beelaha dega Puntland gaar ahaan Goboladda Maqan tahay mid puntland ay u ciyaarto siyaasad ka kharaar Kiniinka taasi oo wax weyn ka bedeli karta isyaasadda Dibadda iyo Gudaha Puntland.
 
 
Koonfurta Somalia waxaa ka jira colaadu ku baahay inta badan Bartamaha iyo koonfurta fog urur diimeedka Al-shabaab ayaa awooda ugu badan haysta koofurta iyo Bartamaha somalia halkaasi waa meesha looga baahanyahay inay Puntland isbedel siyaasadeed oo muuqda ka samayso warbixin aan ka diyaarinay Qaabka iyo xiriirka Wadadada Puntland iyo Alshabaab ayaa muujinaysa inaanay dhana iska shabihin wakhtigi golaha Maxaakimta islaamiga ah ka talinayeen 6-Koonfurta somalia dad badan ayaaa fikriyan uga taageeray Gobolada Puntland kuwaasi oo qeybtod gaaray Muqdisho si ay taageero dhan kasta ah uga kaahsaadan balse tah Al-shabaab iyo xasan daahir aways ayaa ah mid aan aqbal ku noqon karin Shacabka reer Puntland mana taagersana Ficiladda xunxun ee ay ku kacayaan dadka diinta ku qaraabanaya balse waxaa muuqata inay dadka iyo dawladda Puntland ka tashadaan aayahooda iyo mustaqbalkooda siyasadeed iyadoo dawladda ay tahay inay siyaasad sare oo aad u kharaar ka ciyaarto habdhaqanka koonfurta oo saameynkara Puntland.
 
By:C/rashid Mohamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

www.ceegaag.com

Related Items

Comments


Leave a comment