Faallo Ku Saabsan Caqabadaha Haysta Warfidiyeenka Soomaaliyeed

Friday February 18, 2022 - 15:41:55
0 Comments
414
MUQDISHO

Dhawaan Ayeey Ahayd Markii wariyeyaal ka howlgala warbaahinta muqdisho lagu jirdilay degaanka kaxda oo ay u doonteen war si ay u tabiyaan.


Hadaba inta badan waxaan maqalnaa wariye ayaa la jirdilay ama qalabkii laga bur-buriyay taas oo meel ka dhac ku ah dhamaan warfidiyeenka gaar’ahaan saxaafada soomaaliyeed hadaba maxaa keeni kara arintaas?


Mase la dhihi karaa waa Aqoon yari haysata dadka ka howlgala warbaahinta soomaaliyeed, sababtoo ah inta badan ma helaan mushaar iyo tababaro joogto ah oo kor u qaadaya aqoontooda mihnada saxaafada.


Sidoo kale wariyeyaasha dalkeena ma eegaan khatarta ka imaan karta warka ay doonayaan madaama dalku ay ku hardamayaan kooxo kala duwan oo isku haysta diin, siyaasad iwm.


Iyagoona intooda badan iloowsan ama aqoon aan u lahayn in wax walba ay ka muhiimsan tahay bad baadinta naftaada iyo marka labaad oo laga rabo weriyaha inuu bad baadiyo qalabka uu ku shaqaynaayo.


Wariyuhu waa inuu ka fogaado nin jeclaysi, ku xadgudub shaqsiyadeed, been abuur & buun buunin waxaan jirin kuwaasi oo sababi kara colaado aan dhamaad lahayn & dagaalo sokeeye.


Axmed Rajaa

Meeraysane.com

  

 


Related Items


Leave a comment