Soomaaliya iyo Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Qorshaha Horumarinta Qaranka

Tuesday February 22, 2022 - 14:41:55
0 Comments
748
MUQDISHO

Agaasimaha guud ee Wasaaradda qorsheynta Qaranka XFS, Mudane Asad Yusuf oo ay wehliyaan Agaasimaha hay’adda tirakoobka Qaranka, Mudane Sharma’rake Faarax iyo Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, ayaa kulan la qaatay Santa Molè, oo ah Agaasimaha hay’adda Iskaashiga ee iyo horumarinta Talyaaniga.


Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen Istiraatijiyadda horumarineed ee Talyaandhiga, iyagoo diiradda si gaara u saaray Isticmaalka nidaamyada dalka (UCS), la jaanqaadidda qorshaha horumarinta Qaranka NDP9 , hannaanka qorshaynta, kormeerka iyo qiimeynta ee sida wadajirka loo fulinayo.


Sidoo kale waxay isku raaceen mas’uuliyiintu dar-dargalinta xiriirka horumarineed ee ka dhaxeya labada dhinac ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment