Dowlada Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Deegaanka Ee Qaramada Midoobay UNEA 5

Tuesday March 01, 2022 - 14:23:59
0 Comments
411
NAIROBI

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya, agaasimaha deegaanka iyo isbeddelka cimillada iyo xubno kale kale ayaa ka qayb galay shir weynaha deegaanka ee QM UNEA 5 oo ka furmay magaalada Nairobi ee caasumadda dalka Kenya.


Qoraal ay dowladdu kasoo saartay shirka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay xoojineyso heshiiska waddamada caalamka ay shirka oo ay kasoo saarayaan wax ka qabashada ku aaddan sidii loo joojin lahaa adeegsiga bacaha iyo balaastigga oo dhib weyn ku haya deegaanka.


Shirkan ayaa inta uu socdo ayaa waxay wafdigu kulamo doceedyo la yeelan doonaan hay’adaha caalamiga iyo waddamada taageera arrimaha deegaanka, si loola tacaalo wax kaqabka isbeddelka cimillada iyo aafooyinka deegaanka ku dhaca.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment