Ciidamada Difaaca Puntland Oo Hawlgal Qorshaysan Ka Fuliyay Buuraha Calmadow Iyo Calmiskaad Ee Gobalka Bari.

Thursday March 17, 2022 - 22:15:48
0 Comments
493
BUURAHA CALMADOOW

Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee gobalka Bari.

Ciidamada ammanka Puntland ayaa weerar qorsheysan ku qaaday kooxda nabad-diidka ee Al-shabaab oo ku dhuumaalaysanayay buureleyda Dhagax-dhaabur iyo Habar-hagoogan ee silsiladda Golis gaar ahaanna aagga Galgala.

Saraakiisha Ciidamada ayaa hawgalkaas ku tilmaamay mid guulaystay waxaana ay sheegeen in Al-shabaab laga saaray saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen bulshadana ku dhibaatayn Jireen.

Sidoo kale, Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howl gallo kale ka fuliyay degaano iyaguna ka tirsan degmada Ufayn ee Gobalka Bari.

Ciidanka PSF oo iyagu howlgalka katirsan ayaa gargaar kala duwan oo isgu jira biyo iyo raashiinba gaarsiiyay dadka ku dhaqan degaannada hoostaga degmada Ufeeyn ee gobolka bari.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment