Dowladda Eritriya oo Ciidamadeeda keydka ah howlgalinaysa, si ay uga qeybqaataan howlgalada ka dhanka ah TPLF

Saturday September 17, 2022 - 12:10:55
0 Comments
369
Khadar Weyrah
by khadar weyrah
by khadar weyrah
SEP 14(MEERAYSANE MEDIA):

Ilo wareedyo ka imaanaya ka imaanaya dalka Eritariya ayaa tilmaamaya in dowladda Eritariya ay u yeedhay ciidankeedii keydka ahaa ee da’doodu ka yar tahay 55 jir, si ay uga qayb galaan dagaalka ay Eritariya kula jirto kooxda TPLF, waxayna dowladda Eritariya ku amartay ciidamadaas keydka ahaa inay soo qaataan bustayaashooda iyo agabkii ay biyaha ku cabbayeen, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidanka ee u dhaw.

Sidoo kale wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Khamiistii aynu soo dhaafnay ciiddan badan ay caasimada dalkaas ee Asmara iskugu yimaadeen, si loogu qaado dhanka gobalada xuduuda ay Eritariya la wadaagto dalka Itoobiya ee ay dagaalladu ka socdaan.
Geesta kale ciidamada amniga ee Eritariya ayaa raaf ka wada magaalooyinka waawayn ee dalkaasi, iyagoo dadka ku joojinaya waddooyinka, si ay u hubiyaan cidda dagaalka gali karta iyo cidda aan gali karin.

Caasimadda dalka Eritariya ee Asmara ayaa lagu arkayay Hooyooyin iyo caruur yaryar oo la ilmaynaya dadkooda sida qasabka ah loogu daray ciidamada ee loo qaadayo goobaha uu ka socdo dagaalka aan dhammaadka lahayn ee Eritariya kula jirto kooxda TPLF.

Dowladda Eritariya ayaa lagu eedeeyaa inay dadka qasab ciidan kaga dhigto, iyadoo ardaygu markuu waxbarashada dhammaysto ama heer ka gaadho dib loogu celiyo xeryaha ciidanka, sidaana uu ciidamada kaga mid noqdo, iyadoo howlgalladan cusub ee ay billowday dowladda Eritariya laga cabsi qabo inay sii dheereeyaan colaadda ka aloosan waqooyiga dalka Itoobiya ee dagaalka lagula jiro TPLF.

Eritariya ayaa kusoo biirtay dagaalka ay Itoobiya kula jirto kooxda TPLF billowgii dagaalka, iyadoo la sheegay in ciidamada Militariga Eritariya ay dagaalka dhankooda kasoo galeen si ay u wiiqaan awoodda kooxda TPLF, iyadoo Ciidamada Eritariya lagu eedeeyo inay xasuuqyo ba'an ka gaysatay gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan.

TPLF ayaa Eritariya ku eedeysay inay qeyb ka yihiin dagaalka ka soconaya xadka gobolka Tigray uula wadaago dalka Eritariya, halka Mas'uuliyiinta dalka Eritariyana ay kooxda TPLF ku eedeeyeen in TPLF ay rabto inay weerar kusoo qaado dalka Eritariya.

Eritariya ayaa dagaal la gashay dalka Itoobiya oo ay maamulayeen kooxda TPLF sannadkii 1993dii, xilligaas oo ahayd markii ay Eritariya madax banaanideeda ka qaadanaysay Itoobiya.

Related Items


Leave a comment