WAR CUSUB:Gobolka Banaadir Oo Taliye Cusub Loo Magacaabey.

Tuesday October 11, 2022 - 11:31:59
0 Comments
645
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
Meeraysane Media:
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta magacaabay taliyaha qaybta guud ee  Booliska gobolka Banaadir, kadib wareegto goordhow kasoo baxday xafiikiisa.

Xijaar ayaa xilkan u magacaabay Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Asaga oo Imaan doona xafiiska taliyihii dhowaan la dilay ee Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) AHU.

Wareegtada ayaa lagu faray  taliyaha cusub inuu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, Halka sidoo kale la amray saraakiisha kale ee Booliska inay la shaqeeyaan taliyaha cusub

Mahadi Cumar Muumin ayaa deegaan ahaa ka soo jeeda Galmudug, waxaana maalmihii dambe aad loo hadal hayey in uu yahey shaqsiga booskan loo magacaabi doono, isaga oo uu baritaarayey MW Galmudug Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale, qorshahaas oo ugu dambeyn guuleystay, maadaama maanta lagu dhowaaqay magacaabistiisa.

Sidoo kale Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa horey usoo noqday taliyaha nabad sugidda Galmudug, isaga oo ka soo shaqeeyan Dhuusamareeb iyo deegaanno kale.

AUN Farxaan Qaroole oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa ku dhintay qarax todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Basra oo uu u tegay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana geeridiisa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Si kastaba, taliyaha cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreyso wax ka qabashada amniga caasimada oo haatan ah mid aad u liita.

Related Items


Leave a comment