Fadhigii Golaha Baarlamanka Puntland Ee Beri Oo La Baajiyay,

Sunday November 19, 2023 - 18:58:07
0 Comments
141
ahmed raajaa
GAROOWE
Fadhigii Baarlamanka Puntland ee Isniinta berri ah ayaa gebi ahaanba la baajiyay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la baajiyay Fadhiga oo looga doodi lahaa wax-ka beddelka Xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo xukuumaddu soo gudbisay.

Xogaha ayaa sheegaya in xaalado amni dartood Fadhiga dib loo dhigay ilaa Khamiista Todobaadkan, kadib markii magaalada Garoowe laga dareemay xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhashay muranka Arrimaha doorashooyinka 2024.

Xiisadda ayaa sidoo kale dhalisay in shacab badan ka bara-kacaan xaafadaha caasimadda Garoowe, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada maadaama ay is hor-fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment