SSC-Khaatumo War Rasmi ah Ka Soo Saaray Dagaalka Buq-dharkayn

Wednesday November 22, 2023 - 13:33:15
0 Comments
194
ahmed raajaa
KHAATUMO SSC
Maamulka SSC-Khaatumo war rasmi ah ka soo saaray dagaalka ka socda degaanka Buq-dharkayn ee galbeedka gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in Ciidamada Somaliland ay saaka weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen degmada Yeyle ee galbeedka gobolka Sool.

Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada SSC iska caabiyeen weerarka ciidamada Somaliland islamarkaana uu weli socdo dagaalka labada dhinac.

SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale caddeeyay in ciidamada Somaliland dagaalka looga qabtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo kala duwan oo ay dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo aanu Saxaafadda u soo bandhigi doonno” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka SSC.

"Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment