Shirka Igad oo laga soo saaray warmurtiyeed xambaarsan qodob oo muhiim ah

Friday January 19, 2024 - 18:41:55
0 Comments
73
ahmed raajaa
KAMPALLA
Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

1-IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

2- Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah.


Related Items


Leave a comment