Danjire Abukar oo sheegay Wadamo diyaar u ah inay hub siiyaan Somalia

Monday December 04, 2023 - 15:20:15
0 Comments
256
ahmed raajaa
MUQDOSHO
Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in ay jiraan dalal badan oo diyaar u ah in ay Dowladda Soomaaliya siiyaan hub nooc walba leh iyo dad u tababaran hubkaas sida loo isticmaalo.

Wuxuu tilmaamay in ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya 30-kii sanno ee la soo dhaafay ay sahleyso in Soomaaliya soo iibsato ama ay ka hesho saaxiibadeeda caalamka hub casri ah.

” Wadamo badan oo asxaab aan nahay ayaa jira oo diyaar u ah in ay hub siiyaan Dowladda dhexe ee Soomaaliya, wadamo kale oo waxaa jira ka ganacsada hub iyo sidii loo soo iibsan karo ama lagu soo iibsan karo sameeyno, taas waxay sahleysaa wada-hadalka aad galeysid ama soo gadaneysid ama aad ku soo heleysid mucaawino maaddaama cunaqabateyn aan ku saarneyn,” ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.

Sidoo kale, Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in qaadista cunaqabateynta hubka ay Soomaaliya kaga dhigan tahay maalin weyn,islamarkaana dalal badan ay ku dhiirigelineyso in ay hub nooc walba ah siiyaan Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaadday in hubka au soo iibsato uusan geli doonin gacanta cadowga, Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa soo dhoweeyay tallaabada cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Items


Leave a comment