Golaha Wasiirrada Oo Soo Dhaweeyay Go'aanka Ka Qaadista Cunaqabateynta Hubka(SAWIRRO)

Thursday December 07, 2023 - 13:05:27
0 Comments
105
ahmed raajaa
MUQDIZHO
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaweeyey go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna,Taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey R/Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo la8cag dhaqidda.





Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment