Wasiir Arimaha Dibada XfS Oo khudbad Ku Saabsan Gaza ka Jeediyey Madasha Doha

Monday December 11, 2023 - 15:23:16
0 Comments
78
ahmed raajaa
DOHA
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Doha oo maalinimadii shalay ka furmay dalkaas.

Wasiir Abshir ayaa khudbaddiisa dhinacyo badan diiradda ku saaray, isaga oo ka hadlay doorka diblomaasiyadda, isagoo carabka ku adkeeyay xaaladda ka taagan Gaza, wasiirka waxaa sheegay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo daryeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah.

Mudane  huruuse waxa uu si adag uga hadlay  in dublamaasiyadda iyo  bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wadahadalka iyo xaqiijinta bixinta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xasarado kala duwan oo caalami ah.

"Waxay noqonaysaa lama huraan ummaduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskahorimaadyada magaalooyinka, kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, ama qaxootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan,” sida uu ka yiri Wasiir Abshir madasha Doha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab istaag u muujisay Falastiin. Horaantii bishii hore, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israa’iil ee ka dhanka ah Gaza, shirka waddama Islaamka oo ka dhacay Sacuudiga.

Related Items


Leave a comment