Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay magaalada New York (SAWIRRO)

Tuesday December 12, 2023 - 21:12:14
0 Comments
101
ahmed raajaa
NEW WORK
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayo shirka Amniga Soomaaliya oo goor-dhow ka furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya iyo ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya.

Madasha waxaa ku sugan dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa uu sheegay in dowladdu qorshaysay mashruuc ballaaran oo adeegyada dowladda lagu gaarsiinayo deegaanada baaxadda leh ee dhawaan laga xoreeyey maleeshiyaadka argagixisada ah ee Khawarijta, sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee dowladda.

Iyada oo laga duulayo baahiyada waxbarasho ee dalka ka jira ayuu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in dowladdu ay shaqo galisay 3-kun oo macalin, lana doonayo in la gaarsiiyo ilaa 10-kun oo macalin, si ilmo walba oo da’da Iskuulka gaaray waxbarasho loo siiyo.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhawrkii sano ee ugu dambeeyey ay dhismayeen ciidamada Soomaaliyeed, haatana ay soo gaareen waqti kalsooni lagu qabo inay la wareegaan ammaanka dalka, isagoo u mahadceliyey hawlgalka midowga Afika oo sanado badan Soomaaliya ka caawinayey dhinfaca amniga, haatana isku diyaarinaya ina la soo gaban gabeeyo. 




Meeraysane.com
 

Related Items


Leave a comment