Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Amar ku Soo Rogay Gaadiidleyda Beledweyne

Wednesday December 13, 2023 - 15:09:26
0 Comments
86
ahmed raajaa
BALADWEYNE
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow, ayaa kormeer ku tagay Buundooyinka iyo Wadooyinka ay saameyeen Fatahaadihii dhawaan ku Dhuftay magaalada Beledweyne.

Guddoomiye Sufuroow ayaa ku amray gaadiidleyda in aysan marin waddooyinka burbursan ilaa la dayactirayo, isagoo hadalka sii wata ayuu tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xad gudubta go’aankaas.

Guddoomiyuha ayaa sheegay intii uu kormeerka ku jiray  "Doorkayanu waa in aanu dhegaysanno baaqyada dadka ku dhaqan magaalada, waxaan ku dedaali doonaa sidii aanu si degdeg ah u hirgelin lahayn.”Go’aankan ayaa salka ku haya baaqyo ka soo yeeray shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyn, kuwaasi oo dalbaday in la joojiyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ee waddooyinka saameynta ay ka soo gaaray fatahaadaha.


Meeraysane.com 


Related Items


Leave a comment