Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Oo Bayaan Ka Soo Saaray is hortaag ay ku sameyeen  ciidamada

Sunday December 17, 2023 - 14:55:38
0 Comments
69
ahmed raajaa
GAROOWE
Guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa qoraal ka soo saaray is hortaag  ka dhacay xarunta Baarlamanka.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in ciidamo si toos ah uga amar qaata Madaxweynaha ay la wareegeen xarunta golaha iyagoona is hor taag ku sameeyay shaqa-maalmeedkii Baarlamanka sida Ansixinta misaaniyada dowlada.

Bayaanka ayaa loogu baaqay Madaxweyne in uu ciidamada ka qaado xarunta golaha Wakiilada oo uu ixtiraamo dastuurka iyo shuruucda u degsan puntland.



Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment