Guddoomiyaha barlamaanka Oo Shir Guddoomiyay Kulanka 6-aad Ee Guddiga Joogtada ah

Sunday December 17, 2023 - 17:28:35
0 Comments
80
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 6-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, oo ka qabsoomay xarunta guddiyada iyo guddoonka ee Villa Hargeeysa.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaana looga hadlay ajandeynta Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka BJFS, iyadoo Xildhibaannadu kaga doodeen sida ugu habboon ee Golaha loo hor keeni lahaa ajandayaasha cusub ee muhiimka u ah geedi socodka dowladnimadda dalka.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment