Safiirka JFS Ee Ethiopia Oo ka Qaybgalay Munaasabad Lagu Taageerayo Guulihii Qaranka

Monday December 18, 2023 - 12:46:13
0 Comments
76
ahmed raajaa
MUQDISHO
Safaaradda Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia ayaa magaaladda Addis Ababa ku qabatay munaasabad lagu  taageerayay guulaha waaweyn ee ay JFS gaartay muddooyinkii u danbeeysay samaysay.


Guulahaas oo ay kamid ahayeen dayn-cafinta, qaadista cuna-qabatayntii hubka iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Africa oo dhammaantoodba ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagnaa geeddi socodka Dawladnimada Soomaaliya.


Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, Madaxweyne ku xigeenka Gal-mudug Cali Daahir Ciid, diplomaasiyiin kala duwan oo ka tirsan Safaaradda JFS ee Ethiopia, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismacil oo kamid ah BJFS, mas’uuliyiin ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia iyo qayabaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ethopia. 

Gaba gabadii Danjiraha JFS ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa oo munaasabadda soo xiray ayaa si qota dheer u faah-faahiyay dariiqa loo maray iyo dedaalka lagu bixiyay in Soomaaliya ay gaarto guulahan taariikhiga ah, wuxuuna caddeeyey in Soomaaliya ay mar kale gudubtay dariiqa horumarka iyo xasiloonida.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment