Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Imaraadka

Sunday December 24, 2023 - 17:39:08
0 Comments
65
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xaruunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulankaan oo ka dhacay xaruunta hay’adda SoDMA ayaa guddoomiyaha iyo safiirka kaga wada hadleen dowrka dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aaddan arrimaha la tacaalida fatahaada ka jirta guud ahaan dalka iyo sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa buundooyinka ku burburay magaalooyinka qaar ay fatahaadaha ka dhaceen.

Safiir Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u ballan qaaday hay’adda SoDMA in ay sii labo jibaari doonaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka qayb qaadan doonaan dib u habaynta bundooyinka ku burburay fatahaada ka dhacday dalka.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment