Hay'adda SoDMA Oo Maamulka Gobolka Banaadir ku Wareejisay Shixnad Gargaar

Monday December 25, 2023 - 13:35:01
0 Comments
64
ahmed raajaa
MUQDISHO
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan oo u dhiganta 150 kun oo Qoys.

Qoysaskaas ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay sameyeen fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee ku nool Muqdisho iyo deeganada hoostaga.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa la hadlay warbaahinta.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment