Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka JFS u fadhiya Itoobiya

Tuesday January 02, 2024 - 12:21:31
0 Comments
85
ahmed raajaa
MUQDISHO
Golaha Wasiirada ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray heshiiskii ay Somaliland la gashay Itoobiya, waxayna ku tilmaameen mid "faragelin ku ah” arrimaha gudaha ee dalka.

Dowladda oo ka jawaabaysa go’aankaas ayaa la tashi ugu yeertay Safiirka Dalka Soomaalya u fadhiya Itoobiya.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay tahay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida dalka iyo dastuurka Soomaaliya.

Waxay dowladdu diidday heshiiskan ka horimaanayo dastuursa dalka, waxayna ku tilmaamtay waxba kama jiraan, waxay sidoo kale uga digtay Itoobiya isku dey kasta oo xadgudub ku ah midnimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay Xaq u leedahay in ay ka jawaabto tallaabada Itoobiya isla markaana Waajib ka saaran yahay difaaca midnimada dhuleed ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay, Ururka Midowga Africa, Ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Jaamacadda Carabta, iyo Ururka IGAD inay garrab istaagaan Xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment